Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socda IOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi oo uu albaabada u xirnaa lagu soo qaaday doorashadii muranka dhalisay dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow shirka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyey in Axmed Madoobe la hor dhigay in beesha caalamaka ay dooneyso in doorashadaasi dib loogu celiyo, si loo xaliyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaaminya maamulka Jubbaland

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi uu si aad ah uga biya diiday, Axmed Madoobe oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo la xariira dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa labadaani gobol dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-36 2-32 3-26 4-6

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this