Deeq A. Posted November 11, 2019 Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneysay deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa durbo dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dib u garashada ay sameeyeen dagaalyahannadooda. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka ku sugan agagaarka degmada Xarardheere ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites