Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Cali Jeelle: Shariif iyo Xasan waxaa leeyahay lafihiina u naxa ha is dhibaateynina

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda oo ay lacagta ku siiso inay warbaahinta ka difaacaan, ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho oo ka jawaabayey hadalkii Shalay kasoo yeeray Shiikh Shariif ee ahaa inay Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan haddii aysan dhibaatada joojin ayaa sheegay inuu ugu baaqayo siyaasiyiinta ku midoobay Xisbiyada Madasha Qaran inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateyn.

” Xisbiyada qaran waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaartay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle .

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay afar sano oo muddo xilliyeedkiisa ah isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugtaan waqtiga yar ee u haray Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay haddii ay Dowladda Soomaaliya dambi gasho isla markaasna ay mucaaradka dacwo qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka balse uu ka xun yahay in qori caaradiisa wax lagu raadiyo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii Dastuurka u ogolaanayey.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this