Deeq A. Posted November 11, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo xalay ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa rag hubeysan ay ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi . Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites