Deeq A. Posted November 11, 2019 Sanatorada Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golahaasi, waxayna uga arrinsan doonaan Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiyada Qaranka. Golaha Aqalka Sare ayaa waxa maanta hor yaalla ajandaha ah akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiya Qaranka, iyagoona dood adag ka yeelan doono sharcigaasi Sidoo kale Sanatorada Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay wax ka dhimis iyo wax ku darid intaba ay ku sameeyaan Hidise Sharciyeedka Istaatiijiyada Qaranka. Aqalka Sare oo ku jira Kalfadhigii lixaad ayaa waxaa hor yaalla sharciyo muhiim ah oo laga sugayo inay meel mariyaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites