Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo ku sii jeeda gobolka Bakool+Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta ku wajahan deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Wafdi hor dhac u ah  Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Waajid oo ka mid ah meelaha uu baaqan doono Madaxweyne Lafta Gareen.

Ujeedka safarkan ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladaha dhanka nolosha ah ee ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa maamullada degmooyinka, kan gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada, si uu uga xog wareysto dhibaatooyinka ka jira Bakool.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee wafdigan ayaa si aad ah looga dareemayaa gobolka, iyadoo aad loo xoojiyey amniga meelaha uu baaqanayo Madaxweynaha.

Ma’ahan markii ugu horreeysay ee uu booqasho ku tago Cabdicasiis Lafta Gareen gobolka Bakool, waxaana kol hore uu  ku soo dhoweeyey Ra’iisul wasaare Khayre oo booqasho ku tegay deegaano ka tirsan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this