Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo jawaab ka bixisay hadalkii Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku aadanaa in dolwadda uu ka saari doono Muqdisho, haddii aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wado.

Maxamed Cabdo Xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku noqday mid filan waa ah, islamarkaana uu dhaawacayo nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd inuu u damqado dalkiisa, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-soofaysane-2.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this