Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Boosaaso oo xukun ridday

Recommended Posts

Deeq A.   
Abukar.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur Jaamac

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud.

Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Boosaaso oo xukun ridday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this