Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo gurmad ku wareejisay HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Gurmada Walaal oo ah deeq ay iska soo uruuriyeen Bulashada iyo Ganacsatada ka soo jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Dhuusmaareeb ayaa maanta lagu warjeediyay Maamulka Hirshabelle.

Munaasabada lagu wareejinayay deeqdan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Gudoomiyaha gobolka, Gudiga Wakiilka ka ah dadka deeqdan bixiyay iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Ganacsatada hoggaamineysa deeqdan Gargaarka ah waxana ay cadeeyeen in ay ku wareejiyeen Madaxda Hirshabelle Gurmad Walaal.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madaxweyne Kuxigeen Hirshabelle oo ka hadlay Munaasabada deeq wareejinta ayaa umahadceliyay gudiga Gurmad Walaal iyo Dhanaan dadka reer Galmudug gaar ahaan dadka ka soo jeeda Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Deeqdan Caawinaada ah ee maanta la wareejiyay ayaa loogu talagalay in loo qeybiyo Shan kun oo qoys oo kamid ah dadka ku barakacay fatahaada Webigga Shabelle ee Magaalada Baladweyne.

Gurmad Walaal ayaa sideed Gaari oo kuwa Xamuulka qaada ah oo sida deeq isugu jirta Raashiin, Dawooyin iyo Mareekaneeco ayaa noqoneysa tii ugu weyneyn ee deegaan Soomaaliyeed uga timaada dadka Baladweyne ee la daala-dhacaya saameynta ka dhalatay fatahaada Webiga Shabelle uu ka sameeyay Baladweyne.

2d367d93-126a-4cd7-8888-3147aa87c5ef c79f9ecd-6a54-4959-ab1f-55597c291c6f cd60b42c-f711-4c63-be55-371aaf3ff5e7 f5ef8558-53a0-48ec-976a-e954f9d21e31

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this