Sign in to follow this  
Deeq A.

Eray Bixin Saddexaad Oo Ku Lamaan Erayadda Tix iyo Tiraab Oo Iiga Dhex Muuqday Af-soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Eray Bixin Saddexaad Oo Ku Lamaan Erayadda Tix iyo Tiraab Oo Iiga Dhex Muuqday Af-soomaaliga.

– Hilba hilbaynta hadalka Somalidu hore waxay u qaybisay labadan qodob: Tix iyo Tiraab.
Hase yeeshee anniga waxa ii muuqday in aanu intaa ku koobnayn oo ogaalkaygu i tusay in uu jiro qodob saddexaad oo aan u bixiyey Tilmaan.
Haddaba, maxaan ku qeexayaa tilmaan : tilmaani waa af-garasho laysla yaqaan oo aad u adeegsato xubnaha jidhkaaga sida Gacmaha, indhaha, Sanka, indhaha, Afka, Suuniyaha, Foolka, Garbaha, Faraha gacmaha oo keli iyo wadarba leh, Baabacooyinka Gacmaha oo keli iyo wadarba leh, Lugaha, Jilbaha, Laabta IWM.
Af-garshada Tilmaan waxa kale oo ay usii kala farcantay ama looga sii kala faa’iidaystay xubnihii jidhka baniaadanka si kala duwan, oo waxa la caalamiyeeyey ama laga dhigay far qoran oo ay isku af-gartaan dadka maqalka naafada ka ah iyo kuwa maqalka fayoobi. Dhaqdhaqaajinta faracyadda wajiga iyo gacanta.
Guntii iyo gabogabadii, af-garshada Tilmaani waxay u gun balaadhan tahay sida lamaanaha kale Tix iyo Tiraab. Waxaan qabaa haddii loo hagar baxo sida lamaanaha kale oo la galiyo tacab iyo cilmi-baadhis in laga qori karo buuggaag fara badan.

Soo bandhigista: 10.11.2019
Cabdirisaaq Cismaan Fadal
Oslo, Norway.

afadal@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this