Deeq A. Posted November 10, 2019 Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle. Ujeedka hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ee Beledweyne ayaa ah mid ay ugu kuur galayaan xaaladaha adag ee ka jirta magaladaasi iyo dhibaatooyinka ay sabababeen fatahaadaha ku dhuftay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulashada oo ay xog wareysan doonaan inta ay joogaan halkaasi. Dhowaan madasha xisbiyada Qaran oo guddoomiye u yahay Sheekh Shariif Axmed ayaa ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha 200,000 oo doller-ka Mareykanka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites