Deeq A. Posted November 10, 2019 Diyaarado gargaar u sido dadka ay saameeyeen fatahaadda Webiga Shabelle ee magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa muddooyinkan sidii gargaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka. Shalay ayay ahayd markii diyaarado sido gurmad isugu jiro daawooyin iyo raashin la gaarsiiyay dagmada Bardaale , sidoo kale Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa horay loo gaarsiiyey gargaar kala duwan oo ka yimid gudaha dalka iyo dibadda intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites