Deeq A. Posted November 10, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo marayey inta u dhexeysa deegaanada Dacdheer iyo Biyo Gaduud ee gobolkaasi. Gaariga gadoomay ayaa waxaa la socday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku dhaawacmay illaa 9 askaro oo 3 ka mid ah ee aad u liitaan, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Cadaado. Shilalka gaari ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey deegaanada Galmudug, waxaana loo sababeeyaa burburka waddooyinka isku xira deegaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites