Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo marayey inta u dhexeysa deegaanada Dacdheer iyo Biyo Gaduud ee gobolkaasi.

Gaariga gadoomay ayaa waxaa la socday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku dhaawacmay illaa 9 askaro oo 3 ka mid ah ee aad u liitaan, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Cadaado.

Shilalka gaari ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey deegaanada Galmudug, waxaana loo sababeeyaa burburka waddooyinka isku xira deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this