Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Beyle oo ka warbixiyey qorshaha deyn cafinta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qabtay Barnaamijkii la kulan Wasiirkaaga oo bil walbo uu bulshada ku siiyo faahfaahinta Maaliyadeed ee Dalka iyo waxa uu qabsoomay Wasaaradda Maaliyada Bishii lasoo Dhaafay.

Wasiirka ayaa soo bandhigay natiijadii kasoo baxday shirarkii ay la yeesheen Madaxda Hey’adaha IMF, Word Bank iyo Banigiga Horumarinta Afrika.

Sidoo Kale Wasiirka ayaa Bulshada la wadaagay Hiigsiga Wasaaradda Maaliyadda ee  ku aadan deyn-cafinta asagoo sheegay in ay rajeynaayaan in sanadka 2020 ay ku guuleystaan cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacmaha isqabsadaan isla markaana ay si wada jir ah uga shaqeeyaan Hormarinta Dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Ducaale 74605552_1728606567273266_954481057615314944_o-696x464 Beyle

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this