Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran oo Ka Degay Baladweyn, Kana Guuleystay Caqabado Jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradii ay la socdeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xildhibaannada labad aqal ee baarlamaanka oo ka tirsanaa madasha xisbiyada qaran iyo qaar kale aya Goordhaw ka degtay garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Wafdiga ayaa dhibaato kala kulmay degista diyaaradda kadib markii uu duuliyaha ku wargeliyey madaxda cilado uu sheegay iney ka hor istaagayaan degetaanka, taasi oo ay biyo diideen, keentana inuu markii dambe dejiyo diyaaradda.

Mar sii horeysay wafdiga waxaa lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aden Cadde halkaas oo ay saacado ku xayirnaayeen, sababta ilaa hadda ma cadda.

Madasha xisbiyada waxaa ay horay ugu qaadeen dadka ku dhibaateysan Baladweyn gargaar raashin iyo lacag ilaa $200,000 ah si wax looga qabto dhibaatada fatahaadda biyaha.

Dhanka kale, waxaa baaqday wafdi halkaasi u socday uu horkacayey ra’isul wasaare Xasan Kheyre, lama oga sababta ay u baaqdeen.

Goobjoog News

kow.jpg labo.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this