Deeq A. Posted November 10, 2019 Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka geystay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa uu wabigu ku fatahay deegaano hoos yimaada degmooyinka Buulo-Burte iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobolladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanadaasi, islamarkaana ay dalbanayaan gurmad deg deg ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/WAA.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites