Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in DF ay ciidan ka qoraneyso Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah ciidamo dheeraad ah uga qoraneyso waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Talafishinnada oo uu sheegay inay mucaarad yihiin ay buun-buuniyeen wararkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay la xisaabtami doonaan dadka ka soo horjeeda horumarka Punland iyo kuwa faafinaya wararka lidiga ku ah maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this