Deeq A. Posted November 9, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ay sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaanka Baarsanguuni oo hoos yimaada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Muddooyinkii dambe ayaa waxa ay ciidamada huwanta kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda deegaanada maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites