Deeq A. Posted November 9, 2019 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen fatahaado. Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai. Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Bardaale appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites