Deeq A. Posted November 9, 2019 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KoonfGalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Madaxweynaha oo ay la socdaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan K/Galbeed,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka Bardaale iyo shacabka degmadaasi. Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda View the full article Share this post Link to post Share on other sites