Deeq A. Posted November 9, 2019 Safiirada dalalka Qatar iyo Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Wafdigaan oo uu qeyb ka yahay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Eng Cabdi Xasan Canshuur ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxda HirShabelle. Ujeedada safarka labada safiir ayaa ah mid la xariira u kuur gelida xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan magaaladaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka HirShabelle ee ku sugan halkaasi. Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad looga deyrinayey, iyadoo inta badan ay isaga barakaceen dadkii ku noolaa xaafadaha degmadaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites