Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo ku biiray kuwa dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel, C/laahi Daahir Rooble iyo askar uu wato ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Tirada ciidamadan oo la shaacin iyo sarkaalka wata ayaa lagu soo dhoweeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tabashada askartaasi ay qanciyeen saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeysa iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, taas oo ka dhalatay dhismaha Galmudug oo mid ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this