Deeq A. Posted November 9, 2019 Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel, C/laahi Daahir Rooble iyo askar uu wato ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada Galmudug. Tirada ciidamadan oo la shaacin iyo sarkaalka wata ayaa lagu soo dhoweeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaa sheegaya in tabashada askartaasi ay qanciyeen saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeysa iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, taas oo ka dhalatay dhismaha Galmudug oo mid ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites