Deeq A. Posted November 9, 2019 Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa kulamo looga horjeedo Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni) ka bilaabay gudaha gobolkaasi. Kulamadan ayaa yimid, kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland khamiistii la soo dhaafay ay xil ka qaadis ku sameeyeen Dhoobo Daareed. Sidoo kale kulamada oo ahaa kuwa isdaba joog ah ayaa waxaa qeyb galay odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag. Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay kilankaasi ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid kacsan, kadib markii ay xiisado hor leh ka dhasheen xil ka qaadistii lagu sameeyey, Cabdixakiin Dhoobo Daareed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites