Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo sheegay in “la hubeeyey” Xoogaga Wadaniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sheegay in la hubeeyey kooxda la magac baxday Xoogaga Wadaniyiinta ee uu sameeyey Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa tilmaamay in maalin dhoweyd degmo uu booqanayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish lagu qabtay 8 dhalinyaro ah oo hubeysan, markii la xirayna la sheegay inay ka tirsan yihiin Xooggaga Wadaniyiinta, kadibna la sii daayey, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan xilligan loo baahneyn maleeshiyaad, islamarkaana ay Soomaaliya leedahay ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala.

Halkan hoose ka aqriso.

Soomaaliya uma baahna GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya!

Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay!

Maalin dhawayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tagay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsanyihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!. Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan in maleeshiyaad hubaysan magaalada lagu sii dhex daayo micnaha ay dowladnimada u leedahay yaa noo sheegi kara?

Madaxweynaha waxaan leenahay, Soomaaliya ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala, shuruucda dalka iyo xuquuqda shacabkana ilaaliya ayay u baahantahay ee GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya uma baahna!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this