Deeq A. Posted November 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku tegay degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir. Kormeerka oo qayb ka ahaa howlgal ammaanka lagu sugayo ayaa ka dambeeyay markii degmadaas uu ka dhacay dil loo geystay afar rayid ah. Mas’uuliyiinta degmadda ayaa su’aallo laga waydiiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo hadii ay jiraan shaqsiyaad loosoo qabqabtay. Habeenimadii Khamiista, 7-da November, ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen dad ku sugnaa maqaaxi. Wararka ayaa sheegaya in falkaas uu salka ku hayey aanooyin qabiil, waxaana xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ay haatan tahay mid degan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites