Deeq A. Posted November 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ayaa yeeshay taliye cusub oo boolis ah, Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda Sierra Leone, kaasoo Arbacadii soo gaaray magaalada Muqdisho si u bilaabo shaqada. Taliyahan cusub ayaa ku hogaaminaya ciidamada booliska ee AMSOM inay qabtaan howsha loo xilsaaray ee ah tababarida, kormeerida iyo talo-siinta ciidamada booliska Soomaaliyeed, ayna taageeraan dadaalada xasilinta oo qeyb ka ah qorshaha xilliga kala guurka Somalia. AMISOM waxay hirgelinaysaa qorshaha waqtiga kala-guurka, iyadoo howlgalka ay wadaan ay si tartiib-tartiib ah ay masuuliyadda amaanka ugu wareejinayaan ciidamada amaanka ee Somalia, ka dibna dalka ay uga baxaan sanadka 2021-ka. Wakiilka gaarka ee gudoomiyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Francisco Madeira, ayaa khamiistii waxa uu la kulmay hogaanka cusub ee boolisks AMISOM, waxa uuna ugu hambalyeeyey xilka loo soo magacaabay. “Waxaa halkan inuu taalla shaqo badan oo ay tahay in la qabto, waa inaan gacan ka geysanaa dib u dhiska hay’ada booliska Soomaaliya oo aan hubinaa in adeeg tayo leh loo sameeyey dadka shacabka.” Ayuu yiri Ambassador Madeira oo sidoo kale ah madaxa AMISOM. Augustine Magnus Kailie, taliyaha cusub ee booliska AMISOM, waxa uu dhankiisa xusay in magacaabistiisan ay tahay fursad uu uga jawaabayo taageerada beesha caalamka ay siiyeen Sierra Leone, ka dib dagaalo-sokeeye oo socday intii u dhexeysay 1991 ilaa 2002. “Aad baan ugu faraxsan inaan dib u celiyo taageeradii Sierra Leone ka heshay beesha caalamka waqtigii dagaalka sokeeye ay ku jirtay. Gacanta ay na siiyeen waxay aheyd mid wax weyn ka tartay hanaanka nabadeena.” Taliyahan cusub waxa uu badelay Brigade General Anand Pillay oo ka soo jeeda Koonfur Afrika, kaasoo Somalia ka tagay bishii November 2017. Taliyaha cusub waxa uu leeyahay khibrad 30 sanno ah oo uu kaga soo shaqeeyey booliska dalka Sierra Leonean. View the full article Share this post Link to post Share on other sites