Sign in to follow this  
Deeq A.

Deeq laga uruuriyey Galmudug oo gaartay Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Deeqdaan oo loogu talogalay in ka badan 500 oo qoys ayaa isugu jirtay cunto, maro-kaneecooyin iyo agab kale.

Magaalooyinka Dhuusamareeb, Matabaan iyo Guriceel ayaa si gaar ah looga soo uruuriyey deeqda oo la gaarsiiyey magaaladda Beledwayne.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], murashax u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug ayaa bixiyey xadiga ugu badan ee tabarucaadan.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Galmudug, Yuusuf Xasan Ciyow, ayaa u mahadnaqay dadka deeqdaan ay timid.

Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyay Qoor-qoor, kaasoo uu sheegay in uu bedel wanaagsan ka siiyo halka uu ka bixiyey lacagtaas.

Kaalmadan ayaa waxay kaabeysaa mid kale oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta ka dejisay xarunta gobolka Hiiraan.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Qof.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this