Deeq A. Posted November 8, 2019 Beledwayne (SMN) – Deeqdaan oo loogu talogalay in ka badan 500 oo qoys ayaa isugu jirtay cunto, maro-kaneecooyin iyo agab kale. Magaalooyinka Dhuusamareeb, Matabaan iyo Guriceel ayaa si gaar ah looga soo uruuriyey deeqda oo la gaarsiiyey magaaladda Beledwayne. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], murashax u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug ayaa bixiyey xadiga ugu badan ee tabarucaadan. Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Galmudug, Yuusuf Xasan Ciyow, ayaa u mahadnaqay dadka deeqdaan ay timid. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyay Qoor-qoor, kaasoo uu sheegay in uu bedel wanaagsan ka siiyo halka uu ka bixiyey lacagtaas. Kaalmadan ayaa waxay kaabeysaa mid kale oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta ka dejisay xarunta gobolka Hiiraan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Qof.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites