Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmad bini’aadanimo oo la gaarsiiyey Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Laba diyaaradood oo gargaar sida ayaa gaarey magaaladda Beled-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gargaarkaan ayaa lagu wadaa in faa’iideystaan bulshada tabaaleysan ee ay saameysay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in gurmadka illaa iyo haatan ka fidiyey la fidiyey uusan ku filneyn dadka.

Dowladda ayuu ku booriyey in ay laba jibaarto dedaaladeeda gurmadka si bulshada dhiban uga faa’ideystaan.

Beesha Caalamka ayaa kaalin muuqata ka cayaareysa gargaarka oo maalinba maalinta ka dambeysa si xowli ah isu soo taraya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this