Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo war ka soo saartay Fatahaadaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa qoraal ay soo saartay  ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay gobolo kamid ah Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli weli  Roobab xoggan ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale  sheegtay in Roobabka  mahiigaanka  ah ee ka da’ay gobolladaasi Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo war ka soo saartay Fatahaadaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this