Sign in to follow this  
Deeq A.

Talyaaniga oo malaayiin Doollar ugu deeqay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday ku dhowaad afar milyan oo Doollar.

Deeqdaas ayaa waxaa si gaar ah loogu wareejinayaa Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah, sidda lagu sheegay qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas raaciyey in lacagta wax loogu horumarin lahaa adeegyadda caafimaad ee magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Si gaar ah waxaa lagu sheegay in Isbitaalka Ciidanka Xoogga, Isbitaal Banaadir iyo Isbitaalka guud ee Jowhar loogu talogalay deeqdaas.

Warka qoraalka ah ayaa intaas raaciyey in deeqdaan ay wada maamuli doonaan Qaramadda Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Dr. Fawziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay bayaanka in ay ka mahad-celisay deeqdaas.

lberto Vecchi, safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada xukuumada federaalka ah.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladdaha taageerada xoogan ku bixiya sidii Soomaaliya cagaheeda dib isugu taagi lahayd kana soo kabato burburka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this