Deeq A. Posted November 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Kulamo looga hadlayey ammaanka degaanadda Puntland ayaa lagu qabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Odayaasha Dhaqanka, maamulka gobolka, bulshadda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Cabdisamad Yuusuf Maxamed [Abwaan], gudoomiyaha gobolka Bari, oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyey qodobadda kasoo baxay. Mr Abwaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay isla garteen in la xoojiyo howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda, shacabkana door ku yeeshaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Gobolka-Bar.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites