Sign in to follow this  
Deeq A.

BF Soomaaliya oo baaq kasoo saarey gargaarka daadadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Xubno kamid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Beledwayne kulamo kula yeeshay Xildhibaanadda HirShabelle.

Mudaneyaasha ayaa kulamadooda diiradda ku saarey xaaladihii u dambeeyay ee magaaladda gaar ahaan dhinaca gurmadka fataahadaha.

Sharcidejiyeyaasha federaalka ayaa ku booriyey qaybaha ay u quseyso in musuqmaasuqa laga ilaaliyo gurmadka loo fidinayo shacabka.

Ciidamadda ammaanka ayaa la faray in ay gacanta ku dhigaan cid kasta oo ay ku qabtaan in ay is-dabamarin ku sameyneyso gargaarka.

HirShabelle ayaa sheegtay in ay Beledwayne geysay ciidamo gaar ah, kuwaas oo sugi doono ammaanka gargaarka iyo waliba dadka dhibaateysan.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/HirShabelle.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this