Deeq A. Posted November 7, 2019 Muqdisho-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday goob Biibito ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad dhalinyaro u badnaa. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii koox u abaabulan qaab Qabiil ay soo weerartay goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen. Qaar ka mid ehelada dadka caawa la dilay ayaa Caasimada Online u sheegay inay tuhunsanyihiin in dadkaan looga aar gudayay wadaad caan ka ahaa degmada Kaxda oo xalay lagu dilay degmadaas, sidoo kalana lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay. Wadaadka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray isga iyo labo wiil oo uu dhalay rasaas ay xalay ku furtay dabley hubaysan, waxuuna ka mid ahaa guddiga dhismaha waddo hal-bowle u ah degmadaas oo la dhisayo. Degmada Kaxda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dagaal beeleed u dhaxeeya beesha degta inteeda badan degmadaas oo u isku dilaysa labo laf oo ay u kala qeybsantahay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites