Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia iyo Norway oo daah-furay mashruuc muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku-xiggeenka Safiirka Norway ee Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Norway u qaabilsan Geeska Afrika iyo madaxa Hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay Kulan oo daah-furayey  wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyadda guud ee bulsahadda oo ay maalgelineyso Norway.

Mashruucaan oo socon doona muddo Seddex sano ah, ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyaddoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arrimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, garoomada ciyaaraha, isbitaalada, naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uu  xambaarsanyahay muhiimad weyn, islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyaradda, Dadka Danta yar, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo, xarumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hadda ay xooga saari doonaan siddii loogu guuleysan lahaa mashruucaan labaad oo faa’iido badan u leh bulshadda Soomaaliyeed.

1bf80dfe-5d17-470d-b203-05cd704b65dd-300 1ce12ded-ebc3-4222-a716-22f0cbee3689-300 4c6af5a0-890f-433e-9e6f-dbfa0729bd6a-300 5ddb4d34-8b3e-4116-be2d-a8d2a0905e82-300 52a21b0e-86f1-48ef-a9ad-aa8f86f7711f-300 76b19a19-e9c6-4029-960b-4d9d8dc7e572-300 818a9f19-c904-40a2-ae7d-dd82559d5afe-300 cd5c2691-8d68-4d1c-9d46-57990e48008a-300 d2a2337f-50d4-4c62-a553-3f2895e97de6-300 d51db7c3-bf63-4678-8911-05e257f72dc6-300 da4b7b1b-2421-462a-bd3f-dcfcebd24487-300 e963cff8-d749-40ed-81dd-f1c7545eb714-300 edd2bd66-db04-49ff-8662-518287ce8e85-300

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this