Deeq A. Posted November 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Xasan Daa’uud, dadkii uu 7-da sanno salaada ugu yeerayey ayaa u bixiyey “Aadaanka Wareega”. Ninkaan oo nolol maalmeedkiisa ka dhacsada cilad-bixinta telefoonada ayaa ku nool xaafadda Madiina ee Muqdisho. Dadka ku mashquulsan ganacsiga ayuu xiliyadda salaadda ku gobaadiyaa, isaga oo adeegsanaya cod-baahiye. Shaqadda uu hayo ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dadka, oo kaga mahadceliyey kuna booriyey in sii laba jibaaro. Isaga qudhiisa aad ayuu ugu faraxsan yahay, wuxuuna sheegayaa in uu rajo ka qabo in la helo dad badan oo bedela. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Aadan.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites