Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS oo howlgalo kawada Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay kawada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Howl-galkan ayaa yimid markii Bam lagu tuuray Guriga uu Afgooye ka deggenaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabeey” oo u geeriyooday dhaawac kasoo garaay weerarkaas.

Ciidamada ayaa howl-galkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxanay soo qabteen Dad ku dhow 50 Qof oo Dhallinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhigga Booliska Afgooye.

Dhallinyarada Ciidanka soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, iyadoo uu ku socda baritaan arrimahaasi ku saabsan.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye ayaa  sheegay in Dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this