Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo kordhineysa gargaarka fatahaadyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa sii kordhaya dadaalada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo roobab ka da’ay gobolka bay,iyadoo gargaar ay gaarsiinayso dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Ilaa 10 Xildhibaan oo ka tirasan Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed isaaq Cusmaan (Fanax) oo howlo gurmad ah ujooga  Degmada Bardaale ee gobalka Baay ayaa sheegey in Dowlada Federaalka Soomaaliya,Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed, Hay’adaha Samafalka iyo Ciidanka AMISOM dhamaan toodi ayaa dadaalo ballaaran ka Sameeyeen gurmadka roobabka  Degmada Bardaale,balse Xil. Fanax ayaa sheegey in weli dhanka diyaaradaha dhib Culus uu ka jiro Maadaama waddooyin roobabka ay gooyeen.

Xildhibaan Fanax ayaa ugu Baaqay Qeybaha Kala Duwan Bulshada Ganacsatada Soomaliyeed in ay ka Qeyb Qaatan Dadaalada Gurmadka ah ee loogu Gurmanaayo Dadka Khasaaraha Ka soo Gaartay roobabkii  Bardaale, kaasi oo Waxyeelo u Geystay Dadka & Duunyadda Ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Gaar ahaan Degmadaasi Bardaale.

Guddiga gurmadka ayaa shaaca ka qaaday in ay dardargelin doonan shaqadooda ayna gaarsiin doonan goobaha looga baahan yahay gargaarka. Tani ayaa imaaneysa xilli dadweynaha ay codsanayaan gargaar kale.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FGA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this