Deeq A. Posted November 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Xarakadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda dilkii gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose. Cumar Maxamuud Cali ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerarki bambaano oo lagu ekeeyay hoygiisa magaaladda Afgooye. Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa tilmaamtay in duulaanku ahaa mid ay u qorsheysay kuna guuleystay qaabka ay u gulisay. Cumar Carabey ayaa ahaa gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshadda gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Al-Shabaab-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites