Deeq A. Posted November 7, 2019 Garowe (SMN) – Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaadey afhayeenkii golahaasi, Cabdixakiim Dhooba Daareed. Fadhi gaar ah oo ay ku yeesheen magaaladda Garowe ayay ugu coddeyeen, waxaana ogolaatay xilka ka xayuubinta 49aad mudane. Sidda uu shaaciyey gudoonka, waxaa ka aamustay 4. Tiradda guud ee kulanka xaadirtay ayaa ahaa 53 Xildhibaan. Dhooba Daareed ayaa illaa iyo haatan ka hadlin xilka ka qaadista, wallow uu horey uga dhawaajiyey in uu u aqbali doono natiijo kasta. Xilka ka qaadista ayaa imaaneysa xili maalmihii u dambeeyay uu taagnaa khilaaf culus oo u dhaxeeyay Dhooba Daareed iyo madaxweyne Deni. View the full article Share this post Link to post Share on other sites