Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneydii lagu eedeeyay in ay “aflagaadeysay” Trump oo xil loo doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneydii lagu eedeeyay in ay “aflagaadeysay” Trump oo xil loo doortay

 

Ms Briskman cycling past the motorcade, making an obscene gesture.Ms Briskman waxay sheegtay in aysan ka shalayneyn in calaamaddaas ay u muujiso madaxweynaha oo shaqada ay ku wayday

 

Haweeney farta dhexe u taagtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sidaa shaqada ku wayday, ayaa loo doortay xilka xafiis deegaan oo ka tirsan Virginia.

Juli Briskman sawir laga qaaday markii ay arrintaas sameynaysay ayaa si weyn u baahay sannadkii 2017-kii, taas oo sabab u ahayd in qandaraas ay dowladda kula jirtay uu burburo.

Haweeneydan oo aan la qabin waxay heshay boqolkiiba 52% codadkii la dhiibtay, si ay u noqotay wakiilka degmo ka tirsan Loudoun.

Xisbiga Dimuquradiga ayaa si buuxda ugu guuleystay dhammaan kuraasta deegaanka ee gobolkaa Virginia.

Sawirka oo laga arko Ms Briskman oo baaskiil wadata “oo farta dhexe u taageysa Trump” oo gaari saaran, wuxuu qabsaday baraha Internet-ka oo dhan bishii October ee 2017-kii.

Xoogaa ka dib, Ms Briskman sawirka ayey saaratay bareheeda Bulshada.

Shirkaddii ay u shaqeyneysay oo lagu magacaabo Akima LLC, waxay sheegtay in sawirka uu yahay “xumaato” iyo “fisqi”, waxayna shaqada ka ceyriyeen haweeneyda oo ay ku eedeeyeen in shuruucda baraha bulshada ee shirkadda ay jebisay, waa sida ay iyadu u sheegtay Barta Huffington Post.

Xilligaas, shirkadda kama aysan jawaabin dalabkii BBC ee ahaa in ay ka hadlaan arrinta.

Ms Briskman waxaa la sheegay in ay ahayd falanqeeye arrimaha suuqa oo ay u qaabilsanayd Shirkad dowladda ay leedahay. Waxay haystay qandaraas lix bilood ah, laakiin waxay sheegtay in aysan ka shallaayin in astaantaas ay u muujiso madaxweynaha.

Talaadadii, Ms Briskman waxay guusha doorashadeeda ugu dabaaldegtay in sawirkii ay dib ugu soo celiso baraha Bulshada.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @julibriskman

shrUlFw9_normal.jpg

Juli Briskman

✔@julibriskman

Looking forward to representing my friends & neighbors in #Algonkian District who backed me up today! So proud that we were able to #FlipLoudpun #FlipVA #LOCO219 Thank you Loudoun! https://www.huffpost.com/entry/juli-briskman-flipped-off-trump-motorcade-loudoun-county-supervisor-board-virginia_n_5dc1e085e4b08b735d616c7e 

on1qi1D3?format=jpg&name=600x314

Remember The Cyclist Who Flipped Off Trump’s Motorcade? She Just Won A Virginia Election.

Juli Briskman will now be on the Loudoun County Board of Supervisors.

Waxay intaa ku dartay in ololeheeda uu muujiyay in ay dhaafsiisan tahay “qofkii baaskiilka waday ee madaxweynaha ‘farta dhexe u taagay’.

Natiijada ka soo baxday doorashada Gobolka waxay u dhigantaa in Dimuquraadiga ay si buuxda u qabsadeen golaha deegaanka Virginia, markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this