Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriyeyaasha Muqdisho oo ay soo wajahday cabsi amni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii bil ee la soo dhaafay waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan saxafiyiinta ku nool magaalada Muqdisho. Weriyaasha ayaa hadda qaba in ay xaaladda ka sii dareyso oo ay gaartay meel aysan markii hore fileyn.

Magaalada waxaa ka bilaawday kulamo dhowr ah oo ay yeesheen saxafiyiin badan oo qaarkood dhowr jeer loogu hanjabay in la dili doono halka qaar kalane ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan.

Bahda saxaafadda ayaa ka cabanaya jirdil, xarig joogta ah iyo in la soo waco oo loogu hanjabo dil iyo xarig waxayna dhibaatooyinkaan kala kulmayaan hay’adaha amaanka Soomaaliya.

“Waxaa si joogto ah kuu soo wacayo saraakiil ka tirsan booliiska iyo askar, mararka qaar waxaa ku soo wacayo masuuliyiin xilal haayo waxayna kugu hanjbayaan xarig qaarkoodna dil ayey kugu hanjabayaan” ayuu yiri mid kamid ah weriyaasha magaalada Muqdisho oo aan qarinay magaciisa.

“Todobaad gudihiis waxaa 2 jeer la weeraray weriyaal waxaana loo geestay Jirdil iyo xarig, qaarkood rasaas ayaa lagu furay waxaana ka sii horeeyay kuwa kale oo la xiray lana jirdilay oo aan cidna wax iska weydiinin” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta Idaacadaha magaalada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online.

Weriyaasha dhibaatada amni darro ee heysato waxay kala kulmayaan ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya halka markii ay halista ugu weyn kala kulmi jireen Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu fal weyn dhaco sheegto in ay la soo qabtay ciidankii ka dambeeyay laakiin ma jirto cid dib u raacda iyadoo mararka qaarna la shaaciyo warar been ah oo sheegaya in la soo qabtay dadkii ka dambeeyay iyadoo aan la soo qaban.

“Laba weriye ayaa Isgoyska Banaadir waxaa ku jirdilay oo xabadka dhulka u dhigay ciidanka ilaalada Madaxtooyada kadibna waxaa la sheegay in la soo qabtay balse maalmo kadib waa la sii daayay mana jirin cid uga garaawday weriyaashii dhibka gaaray hadana waa sidaas oo kale” ayuu yiri mid kamid ah weriyaashii lagu risaaseeyay todobaadkaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this