Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye ku xigeen ka tirsan Sh/Hoose oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeellada Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa lagu dilay weerar bambaano ah oo lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaaladda Afgooye.

Guriga uu ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose ee Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in bambo lagu tuuray.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdishu, balse uu ku dhintay cisbitaalka Digfeer, sida saraakiil dhinaca amniga ah ay u sheegeen idaacadda Shabelle.

Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacada. Ilaa haatanna ma jirto cid weli shegatay mas’uuliyadda weerarka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this