Deeq A. Posted November 6, 2019 Afgooye (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeellada Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa lagu dilay weerar bambaano ah oo lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaaladda Afgooye. Guriga uu ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose ee Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in bambo lagu tuuray. Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdishu, balse uu ku dhintay cisbitaalka Digfeer, sida saraakiil dhinaca amniga ah ay u sheegeen idaacadda Shabelle. Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacada. Ilaa haatanna ma jirto cid weli shegatay mas’uuliyadda weerarka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites