Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn xooggan oo caawa ka dhacday Garoowe iyo xiisad siyaasadeed ka taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday magaaladaasi, iyadoona ay baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka.

Is rasaasayntan oo ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland.

Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegaya in ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda iminka gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, balse wararka ugu buuran ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin askartii horey u joogtay.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Garoowe uu ka socdo olole la sheegay in mooshin looga keenayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo khilaaf uu kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland.

Inkastoo Isgaarsiinta Magaalada Garoowe ay caawa ciriiri tahay ayaa hadana wararka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayan in is rasaasayntan ay baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Reer Garoowe oo xasilooni u bartay ayaa ku argagaxay rasaasta xoogan ee caweysnimadii caawa laga maqlay Xarunta Gobolka Nugaal.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta caawa ka dhacday Magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this