Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xareynta odayaasha soo xulaya xildhibaanada Galmudug oo bilaabaneysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay  ka warbixiyeen  howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan hawlahooda.

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan ka dib markii uu kormeeray Xarunta Shiirkoole halkaas oo la dajin doono Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Baarlamaanka maamulka.

Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in ay geli doonaan howsha qeybta labaad, oo ah xareynta Odayaasha, isaga oo u mahad celiyey, ciidamada sugaya ammniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan goobta ay ka dhaci doonto doorashada Galmudug.

Sidoo kale guddiga ayaa maanta waxay kormeer ku tageen xarunta Shiirkole, halkaasi oo lagu wado in la dejiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka maamulka Galmudug.

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan labo Guddi Doorasho oo ay kala magacaabeen Dowlada Soomaaliya iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Sheekir, inkastoo Masuuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen in ay arintaas wada hadal uu ugula socdo Dowlada Soomaaliya.

74316634_2728663313861110_34703742914579 76205926_2728663300527778_12773258594007 70693548_2728663410527767_11294374051163 75282335_2728663607194414_13931870904511 70693548_2728663583861083_17094947458535

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this