Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii Axmed Madoobe ee GEDO oo isku dhiibay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka bilaawday gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya waxaana muuqda in gobalka uu lugaha la sii galayo xaalad colaadeed kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay saameyn ku dhax-yeelatay ciidamo toos uga amar qaadan jiray Axmed Madoobe.

Boqol iyo Kontan Askari oo ka tirsan ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa ku biiray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidankaan ku biiray Milateriga Soomaaliya ayaa ku sugnaa degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulka Amxed Madoobe ee Jubbaland oo khilaaf culus kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Wararka gobalka Gedo ka imaanayo ayaa soo sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay ku biiraan ciidamada Qaranka.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Beladxaawo iyo Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo toos ugu xirnaa Axmed Madoobe balse hada heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankii Axmed Madoobe ay laba dhinac u kala jabeen islamarkaana ay taagan tahay xiisad dhaxdooda ah taas oo sababi karta dagaal dhaxmara labadan Ciidan ee kala jabay.

Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beladxaawo waxay haayeen 3-da degmo ee kaliya oo ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana toos u hoos yimaad maamulka Axmed Madoobe waxaana hadda muuqato in gacanta Axmed Madoobe ay ka sii baxayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this