Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidankii u goostay DF oo xoog ku qabsaday garoonka diyaaradaha Luuq iyo wararkii ugu dambeeyey caawa

Recommended Posts

Deeq A.   

Luuq (Caasimada Online) – Ciidamadii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland ee maanta ka gadooday magaalada Beled-Xaawo ayaa galabta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo markii dambe xoog kula wareegay garoonka diyaaradaha degmadaas.

Ciidanka oo tiradiisa lagu qiyaasay 150 askari, sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku nool degmada, ayaa kolkii hore lagu soo dhaweeyay Luuq kadib is hortaag kooban oo ay kala kulmeen taliyaha saldhigga degmada, waxayna magaalada gudaha u galeen iyagoo rasaas dabaal deg ah kor u ridaya.

Sidoo kale ciidamadaan ayaa markii ay ka baxayeen Beled-Daawo waxay horey u ka xeysteen gadiid ay la haayen dad shacab ah oo ku nool magaaladaas, kuwaas oo ay ku tageen Luuq mana wadan wax gaari ciidan ah.

Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta maamulka Garoonka degmadaas, waxaana wali la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamaas ay qabsadaan garoonka oo ay horay ugu sugnaayeen ciidan tiro yar oo ka tirsan Jubbaland.

Ciidankii horey ugu sugnaa degmada Luuq oo ka amar qaata maamulka Jubbaland, si gaar ahna u hoos tagi jiray wasiirka u xiran dowladda ee Cabdirashiid Jana,n ayaa isku dayay inay garoonka ka hor istaagaan ciidanka gadoodsan oo ku qeylinayay “Farmaajo guul, Kheyre guul” iyo erayo kale.

Taliyaha saldhigga degmada Luuq Siyaad Walba-Shaati ayaa la sheegay in markii ay ciidankani soo galayeen degmada uu isku dayay in uu is hortaago, balse waxaa ku soo baxay ciidamada Itoobiya oo qeybo ka mid ah magaalada ku sugnaa kuwaas oo taliyaha ku amray in isaga iyo ciidamadiisu ay magaalada dhinac ka dagaan.

Xiisad u dhaxaysa ciidanka ka amar qaata Jubbaland ee horay ugu sugnaa Luuq iyo ciidamadii ka goostay Beled-Xaawo ee galabta gaaray Luuq ayaa caawa ka taagan magaaladaasi

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this